Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil & dhaawac ka geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil iyo dhaawac ka dhashay rasaas uu furay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa duleedka M/ Muqdisho.

Dilka ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah dhalinyarada ka shaqeeya mootada laba lugaaleyda ee isaga kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale uu dhaawac soo gaaray qof shacab ah oo mootada la saarnaa darawalka geeriyooday.

Qof goobjooge ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in marxuumka iyo askari ay ku murmeen lacag u dhexeysa 2000 illaa 3000 oo shilin Soomaali ah, taas oo sababtay in markii dambe uu rasaas u adeegsado askariga oo falka kadib isaga baxsaday goobta.

Sidoo kale waxaa meesha ka billowday dibad-bax ay dhigayeen dadweyne fara badan oo ka carooday dilka iyo dhaawaca halkaasi ka dhacay.

Ugu dambeyn waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this