Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dil ka geystay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka oo ka dhacay duleedka magaalada Mandera ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska ee dalkaasi.

Sarkaalka ayaa la sheegay in xilliga la dilayey uu kusugnaa deegaanka Caliyaale oo hoosta magaaladaasi, iyada oo ay baxsadeen raggii fuliyey toogashadaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay shaacisay in lagu dilay Cabdi Nuur Cumar oo madax u ahaa sida ay sheegtay ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Kenya oo ku aadan dilkaasi, balse ciidamada ammaanka ayaa howl-gallo ka bilaabay duleedka degmada Mandera.

Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this