Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wakiilada maamulka Puntland oo ansixiyey xeer muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada golaha wakiilada maamulkaasi, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah.

Ajandaha kulan ayaa u ahaa aqrinta 3-aad ee xeerka isgaarsiinta & khidmadaha ee dowlad goboleedka Puntland.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyey Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, waxaana sidoo kale fadhiga xaadir ahaa ku xigeenkiisa 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan & ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in xeerka ay ansixiyeen ay dood ka yeesheen fadhiyadii ugu dambeeyay,, 36-Xildhibaan ayaa qaab gacan-taag ah ku ogalaatay xeerka isgaarsiinta, hal xildhibaan ayaa diiday, halka mudane kalena uu ka aamusay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this