Sign in to follow this  
Deeq A.

MW CALI GUUDLAAWE oo doorashadiisa, kadib hal arrin ku eedeeyey beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyntiisii ugu horreysau u jeediyey beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka aysan wax gacan ah ka geysan dhismaha maamulka HirShabelle iyo doorashadii ka dhacday Jowhar.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyagu ay tashteen, islamarkaana ay dhisteen maamulkooda sida uu hadalka u dhigay.

“Beesha caalamka wax gacan ah oo ay nagu siiyeen majirto dhismaha HirShabelle, anaguna waan tashanay,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha cusub ee HirShabelle oo hadalkiisa ayaa wata ayaa amaan iyo boggaadin u jeediyey odayaasha dhaqanka iyo guddiga dhismaha ee maamulkaasi ee ka shaqeeyey soo xulista xildhibaanada cusub iyo doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka qeybihiisa kala duwan inay la shaqeeyaan maamulkiisa, si loo horumariyo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

The post MW CALI GUUDLAAWE oo doorashadiisa, kadib hal arrin ku eedeeyey beesha caalamka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this