Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Amnesty oo shaacisay inuu xasuuq ba’an ka dhacay gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo warixin cusub ka soo saartay xaaladda qasan ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in xasuuq ba’an dad shacab ah loogu geystay gobolka Tigray ee dalkaasi.

Amnesty ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal rayid ah si arxan darro ah loogu dilay magaalada Mai-Kadra (May Cadera) oo dhacda gobolka Tigreyga.

Hay’adda ayaa sidoo kale xustay in qaar ka mid ah dadkaasi lagu dilay Toorey ama Mindi, kadibna la jarjaray, sida lagu sheegay qoraalka Amnesty International.

Sidoo kale agaasimaha xafiiska bariga iyo koonfurta Afrika ee Amnesty, Deprose Muchena ayaa tilmaamay in falkaasi uu dhacay 9-kii bishan, kadib markii ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen gobolka Tigreyga, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

“Waxaan xaqiijineynaa in tiro badan lagu dilay xasuuq kuwaas oo u muuqday shaqaale nolol maalmeed ku tiirsanaa, islamarkaana aan ku jirin hawlgalka dagaalka ee socday” ayuu yiri Deprose Muchena.

Agaasimaha ayaa intaasi ku daray ina ay hay’addu la hadashay marqaatiyo baad iyo saad la daba socday ciidamada Itoobiya, kuwaas oo arkay meydadka dadka oo daadsan agagaarka Commercial Bank ee Ethiopia iyo jidka ah magaalada Humera.

Ma shaacin hay’addu cidda ka dambeysay xasuuqaas, inkastoo dad goobjoogayaal ah ay ku eedeeyeen inay geysteen Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Itoobiya ayaa gashay xaalad dagaal, kadib markii ciidamada federaalka ay duulaan ku qaadeen gobolka Tigray ee dalkaasi, waxaana weli halkaasi ka taagan xaalad adag.

The post Hay’adda Amnesty oo shaacisay inuu xasuuq ba'an ka dhacay gobolka Tigray first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this