Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Tigreega oo gantaalo ah ku duqeeyay magaalooyin hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Ciidamada Tigreega ayaa lasoo sheegayaa iney gantaallo ku garaaceen deegaano ka tirsan ismaamulka amxaarada iyadoo weerarkaasi uu ka dhashay khasaare.

Magaalooyinka Gondar iyo Baxardaar oo ku yaalla ismaamulka Amxaarada ayaa la duqeeyay, waxeyna tigreega sheegeen iney kaga jawaabayeen weerarada kaga imaanaya dowladda dhexe.

Wararka laga helayo gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay shan aag kaga wajahan yahiin magaalada Makele ee xarunta ismaamulka Tigree-ga, waxaana laga cabsi qabaa iney bilowdaan maalmo dagaal.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, qorshaha xiga wuxuu yahay in la beegsado deegaanada Adigrat, AbiyAdi, Ambalage iyo Gijet oo ah goobaha ugu muhiimsan maamulka Tireega.

Militariga Itoobiya waxey sheegeen iney bilaabi doonaan wajiga labaad ee hawlgalka loogu magac daray mideynta Itoobiya.

The post Ciidanka Tigreega oo gantaalo ah ku duqeeyay magaalooyin hor leh first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this