Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee maamulka HirShabelle ayaa xalay howl-gal ballaaran ka sameeyey gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah ay ciidamadu uga fuliyeen xaafadda Horseed oo ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale howl-galka ayaa daba socday, kadib weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada amniga, kaas oo lagu dhaawacay 2 askari.

Illaa hadda ma jiro wax faah faahin oo laga bixiyey howl-galkaasi oo saacado badan qaatay, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Weerarka ka dhacay Jowhar iyo howl-galka xigay ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkii hore ay magaaladaasi ka dhacday doorashada madaxweynaha HirShabelle & ku xigeenkiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this