Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Dalka Holland Oo Xidhay Nin Rasaas Ku Furay Safaarada Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Holland)-Booliska dalka Holland ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen nin lagu tuhunsan yahay weerar Khamiistii lagu qaaday Safaarada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada The Hague.

Rasaas badan ayaa subaxnimadii Khamiista lagu furay albaabka laga galo safaarada Sacuudiga ee ku taalla badhtamaha magaalada The Hague, weerarkan ayayna cidna ku dhaawacmin.

Ciidammada Ammaanka oo xidhay goobtaasi ayaa baadhitaan saacado badan qaatay kadib hawlgal ay sameeyeen kusoo qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu weerarkan geystay.

Illaa iyo hadda wax faah faahin ah lagama bixin sababta weerarkan ka danbeysay iyo waliba eedaysanaha la tuhunsan yahay inuu falkan ka danbeeyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this