Deeq A. Posted November 14, 2020 Dowlada Faransiiska ayaa shalay Jimcihii shaacisay in ciidammadooda ku sugan dalka Mali ay dileen mid kamid ah hoggaamiyayaasha Al Qacida ee Galbeedka Afrika. Hawlgalka lagu dilay hoggaamiyahan oo la sheegay inuu dhacay Salaasadii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidammada Komaandooska iyo diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska. Hoggaamiyaha la dilay oo lagu magacaabo Bah ag Moussa ayaa loo yaqaan Bamoussa Diarra wuxuuna hore u ahaan jiray korneyl ka tirsan millatariga dowlada Mali. Wuxuuna ahaa ku-xigeenka kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), kooxdan oo ka tirsan shabakada Al Qacida ayaa hore weeraro badan uga geystay dalka Mali iyo dalalka kale ee jaarka la ah. Source Share this post Link to post Share on other sites