Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, kaasi oo u dhaxeeya kooxda TPLF iyo ciidammada federaalka dalkaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in boqolaal qof lagu xasuuqay magaalo ka tirsan gobolka, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yidhi “waxaan cambaareyneynaa shacabka lagu xasuuqa magaalada Mai-Kadra, waxaana ku baaqeen in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda gobolka Tigray. Waa muhiim in nabadda lasoo celiy,o shacabkana la bad-baadiyo.”

Dagaalka gobolka Tigray ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in Ethiopia ay lugaha la gasho dagaal sokeeye.

Dagaalka ayaa durba sababay xaalad bani’aadannimo oo liidata, ayada oo 14,00 oo qof oo shacab ah ay ka qaxeen gobolka, islamarkaana u gudbeen dalka Sudan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa howlgalka millatari ee gobolka Tigray amray 4-tii November, kadib markii uu ku eeedeeyey ciidamada TPLF inay weerareen xero millatari oo ku taalla gobolka, TPLF waa ay beeniyeen eedeyntaas.

Madaxa xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay Michelle Bachelet ayaa ku baaqday baadhitaan deg deg ah oo lagu sameeyo xasuuqa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Mai-Kadra, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inay ka dambeeyaan ciidammada TPLF.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this