Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha ammaanka oo meel mariyay qaraar mamnuucaya walxaha qarxa ee Soomaaliya loo dhoofiyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha ammaanka oo meel mariyay qaraar mamnuucaya walxaha qarxa ee Soomaaliya loo dhoofiyo
whatsapp sharing button
email sharing button
 20201113637408435236594391.jpg

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraar ogolaanaya in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya walxaha qarxa ee macmalka ah, taasoo la aaminsan yahay in kooxaha mintidiinta ee ay ka caawiso inay u adeegsadaan sameynta qaraxyada.

Golaha amnigu wuxuu sidoo kale ku booriyay dowladda Soomaaliya inay sii wado ka hortagga dhaqaalaha gacanta u gala kooxaha xagjiriinta  ee ay khubarada Qaramada Midoobay ku qiyaaseen inay u soo xaroodeen $ 21 milyan sanadkii hore.

Qaraarkan oo lagu ansixiyay 13 cod, kana aamuseen Ruushka iyo Shiinaha, ayaa dib u xaqiijinaya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dib u iibinta ama wareejinta hubka ama qalabka milatari.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen khubarada kormeeraya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay ku sheegeen, in Al-Shabaab ay khatar joogto ah ku hayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this