Deeq A. Posted November 13, 2020 Ra’isul Wasaaraha waddanka Ethiopia Abey Ahmed ayaa shaaciyay in milatariga dalkaasi ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, kaddib todobaad uu halkaasi dagaal culus ku dhexmarayay ciidamada milatarifa dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Tigray. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Abey Ahmed ku sheegay in Gobolka Galbeed ee Tigray la xoreeyay islamarkaana Ciidanku gurmad banii’aadanimo u fidinayaan Shacabka halkaas ku dhaqan. Isgaarsiinta iyo warbaahinta oo loo diiday darteed, ayaanan la xaqiiqi karin sheegashada Ra’isul Wasaare Abey. Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay, in dad ka badan 10 kun oo kasoo jeeda gobolka Tigray ay ka gudbeen xadka Itoobiya ay la wadaagto Sudan. Xafiiska Isku-duwidda Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay aayaa sheegay, in hey’adaha samafalka aysan wali awoodin in ay gargaar bani’aadannimo sida dawo iyo cunto gaar-siiyaan dadka wali ku nool goobaha dagaalka. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay dagaalka ka socda gudaha Ithiopia appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites