Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND Oo Shaqadii Ka Joojisay Wasiir Iyo Agaasime Guud Oo Isku Gacan Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqadii ka joojiyay wasiirkii kalluumaysiga Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimihii guud ee wasaaraddaas, Cabdirisaaq jaamac Aadan.

Madaxweyne ku xigeenku ma sheegin sababta uu shaqada uga joojiyay labada masuul. Hase yeeshee xog warbaahintu heshay ayaa sheegaysa in labada masuul ay maalmo ka hor uu dhexmaray gacan ka hadal kadib muran soo kala dhexgalay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in masuuliyiintu isku qabteen arrimo dhaqaale. Kadib murankooda oo batay ayaa sababay gacan ka hadalka.

Puntland, gacan ka hadalka mas’uuliyiinta dhexdooda waa mid soo noq noqotay. Waxaana horey sidaan oo kale xilalkooda ugu waayay laba kamid ah taliyayaasha ciidammada booliiska.

20201112637407523501898637.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this