Deeq A. Posted November 12, 2020 Diblumaasiyiin ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sucuudiga Bishii lasoo dhaafay, markii toori la geliyay qof waardiye ka ahaa qunsuliyadda Faransiiska uu ku leeyahay Jiddah Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax shaley ka dhacay goob lagu xusayay dagaalkii koobaad ee adduunka, munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Jiddah ee Sucuudiga ayaa waxaa soo qabanqaabisay safaaradda Faransiiska ee Sucuudiga, waxaana ka qeybgalay diblumaasiyiin reer Yurub ah. Safaaradaha Faransiiska, Giriigga, Talyaaniga, UK iyo Mareykanka waxay sheegeen in qarax lagu soo tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jiddah halkaas oo xuska lagu qabanayay. Bayaan ay soo saareen ayay ku tilmaameen weerarka in uu ahaa “Mid fuleynimo ah” Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay xaqiijiyeen in shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Giriigga ee Sucuudiga uu ku dhaawacmay weerarka. BBC-da waxay fahansantahay in qof u dhashay Britain uu isna dhaawac soo gaaray. Maamulka gobolka Maka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites