Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Mar Kale Ka Socda Dagaal Mar Kale Ka Socda Huldooyaale, Mudug Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ay goordhow heshay Goobjoog News ayaa sheegaya inuu dagaal ka socdo deegaanka Huldooyaale oo ka tirsan Camaaro ee gobolka Mudug, Galmudug.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa intaa ku daray in dagaalkan uu socdo maalinta 3aad, isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma carabaabin.

Dhaawacyada qaar ayaa la soo gaarsiiyey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana weli socoto hub aruursi  labada dhinac ah.

Dagaalkan oo aano qabiil la xiriira ayaa muddo soo noqnoqonayey, waxaana uu u dhaxeeyaa beelo ka tirsan Galmudug, mana muuqato dadaal dhexdhexaadin ah oo arrinkan la xiriirta oo socda.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this