Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay duleedka deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku sugan tuulada Huldooyaale, kuwaas oo isku haya dilal la xiriira aano Qabiil.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka oo qaatay saacado badan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaasi, walow aan si dhab ah loo caddeyn karin, inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, balse waxaa socdo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka oo looga hortagayo dagaalkaasi oo markii saddexaad ka dhacaya halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this