Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan ah ku simaha madaxweynaha maamulkaasi ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka kalluumeysiga, Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimaha wasaaraddaasi C/risaaq Jaamac.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Axmed Karaash ayaa lagu shaaciyey shaqo joojintaasi, balse laguma caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabadaasi.

Sidoo kale wararka qaar oo ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay timid kadib dagaal gacan ka hadal ah oo dhex-maray labadaasi mas’uul.

Halkan hoose ka aqriso:-

125065384_3622443801154750_1973951175604563700_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this