Sign in to follow this  
Deeq A.

Halista Soomaaliya ‘uga soo wajahan’ dagaalka Abiy Axmed iyo Tigray-ga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc, oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada dagaal ee ka dhex aloosan dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Tigreyga oo maalmihii dambe kasii dareysay.

Senator-ka ayaa ugu horeyntii sheegay in Itoobiya oo u jiheysata colaad sokeeye ay tahay arrin xambaarsan khatar xoogan oo ku wajahan gobolka oo dhan, oo qeyb ka tahay Soomaaliya.

Waxa uu xusay in shacabka iyo xukuumada Soomaaliya ay la gudboon tahay inay taxadar iyo feejignaan ka muujiyaan colaada sokeeye, xili qaar kamid ah siyaasiyiinta dalku ay ku baaqayeen bedelka midaasi, oo aheyd inay bogaadiyaan dagaalkaasi.

“Waddanka ugu tiro badan Bariga Africa dad ahaan inuu u jiheysto colaad sokeeye waa aarrin xambaarsan khatar xooggan ku wajahan gobolka oo dhan. Marka hore waxaan ugu baaqayaa xukuumadda Dhexe Ethiopia, madaxda Gobolka Tigray iyo TPLF inay garwaqsadaan in dagaal iyo colaad sokeeye aan lagu gaari karin hadaf siyaasadeed” ayuu ku yiri Mashruuc qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

“Soomaaliya xukuumad ahaan iyo shacab-ba waxaa la gudboon in ay taxaddar  iyo feejignaan ka muujiyaan colaadda sokeeye ee Ethiopia”.

Senator Mashruuc ayaa waxa uu soo jeediyay inay dowladda federaalka Soomaaliya ay u aqoonsato dagaalka sokeeye ee Itoobiya khatar ku wajahan amniga qaranka Soomaaliya ‘National Security Threat’, maadama Soomaaliya ay xuduud baaxad leh la leedahay dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu xukuumadda dhexe ugu baaqay inay dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya iyo  Somaliland ee dhaca xuduuda dheer Itoobiya iyo Soomaaliya ay kala shaqeyso sidii loo sugi lahaa xudduudda dalka, loona maareyn lahaa qaxootiga ku soo wajahan dalka.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay tahay dal aan awood u laheyn marti-gelinta qaxootiga tirada badan ee ku soo ku food leh dhan dhaqaale, amni iyo dhan siyaasadeed, isla markaana looga baahan yahay inay qaado  talaabooyin ay ku xaqiijineyso bed-qabka Shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada ilaalinta nabad-gelyada guud ee gobolka (Bariga Africa).

“Soomaaliya waa inay ka shaqeysaa sidii loo damin lahaa colaadda sokeeye Ethiopia iyadoo u mareysaa xiriirrada DUBLIMAASIGA, xubinimada ururada AU iyo IGAD iyo UN si loo gaaro nabad waarta ee dalka Ethiopia iyo tan guud ee Bariga Africa” ayuu yiri ugu dambeyntii Senator Mashruuc.

The post Halista Soomaaliya 'uga soo wajahan' dagaalka Abiy Axmed iyo Tigray-ga first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this