Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Askari Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Guriga Wasiir Ka Tirsan Maamulka Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kismaayo)-Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa ka bad-baaday isku day dil kadib markii xalay fiidkii Qarax miino loogu xidhay gurigiisa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxa lagu sii diyaariyay Qol k mid ah Guriga Wasiirka, waxaana si gaar ah loogu xidhay qaraxa Qol ay degganyihiin ilaalada Wasiirka, waxaana ka dhashay Qaraxaasi Khasaare kala duwan oo soo gaadhay ilaalada Wasiirka.

Inta la xaqiijiyay Weerarkaasii ayaa waxaa ku geeriyooday saddex askari oo ka mid ahaa ilaaladii Wasiirka, waxaana la sheegaya in Laba ka mid ah ay yihiin walaalo.

Wasiir Caydiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana oo ayna jirin wax dhib ah oo isaga kasoo gaadhay weerarkaasi, marka laga reebo in Khasaaraha soo gaadhay ilaaladiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this