Sign in to follow this  
Deeq A.

Taiwan Oo Saraakiil Sar-Sare U Soo Direysa Somaliland Iyo Qorshahooda Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Dalka Taiwan ayaa shaaca ka qaaday inay khubarro sahamin ku sameeya caawimaad horumarineed la siin doono Somaliland u soo diri doona dhammaadka bishan, gaar ahaan mashaariicda Beeraha, Isgaadhsiinta iyo Caafimaadka, sida Wasaaradda Arrimaha Dibeddu shaacisay.

Qoraal lagu baahiyey wargeyska Taiwan times salaasadii ayaa lagu sheegay in Taiwan oo caasimada Hargeysa bishii Ogost xafiis ka furatay loo arkay guul weyn oo dhinaca dublamaasiyada ugu soo hoyatay, maadama Somaliland u noqotay saaxiib qaarad dhan, marka laga reebo Eswatini, halka Somaliland xafiis dhigiisa ah ka furatay Taipei bishii September.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa sidoo kale sheegtay in Sanduuqa Caalamiga iyo Horumarinta (ICDF) dhammaadka bishan xafiis ka furan doonaan Somaliland, isla markaana u soo diri doonaan koox shaqada bilowda sannadka 2021.

Wafdi ka kooban afar xubnood ayaa xilligan indha indheynaya mashaariicda la iska kaashan karo, sida kobcinta soo saarista khudaarta, hagaajinta isticmaalka dowladda ee macluumaadka tiknoolajiyadda, iyo daryeelka caafimaadka ee dhallaanka iyo haweenka uurka leh.

Shirka loo adeegsanayo muuqaalka fiidiyowga ayaa la qorsheeyay in 16-ka bishan Taiwan inay la wadaagto natiijooyinka ololaheeda ka dhanka ah cudurka Wuhan coronavirus (COVID-19) Somaliland, sida Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan sheegtay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this