Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhex dhacay guriga wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Jubaland Caydiid Sulaymaan Xaashi, kaas oo ku yaalla xaafadda Siinaay, gaar ahaan aagga Laba-Suulle

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas lagu dilay ugu yaraan saddex ka mid ahaa ilaalada wasiirka, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Jubbaland oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino horey loogu sii diyaariyey halkaasi.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo goobta tegay ayaa sameeyey baaritaano dheeraad ah, kadib weerarkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday bam-gacmeed lagu qaaday guriga guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this