Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka deegaanada Koonfur Galbeed oo la adkeeyey + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdi Ibraahim Shaamoow oo ka warbixinayey kulan looga hadlayey ammaanka oo lagu qabtay Baydhabo ayaa sheegay inay si weyn loo adkeeyey ammaanka guud ee deegaanada maamulkaasi.

Shaamoow ayaa xusay in ka maamul ahaan ay u diyaar garoobeen doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada aqal.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in saraakiisha laamaha amniga la faray inay xoojiyaan howl-gallada lagu sugayo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday qorshayaal lagu hormarinayo amniga guud ee gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool, waxaana saddexdaas gobol haatan ka socda howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ay wadaan ciidamada huwanta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this