Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax dhimasho leh oo caawa ka dhacay guriga wasiir ka tirsan maamulka Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Ksimaayo waxay sheegayaan in qarax khasaare geystay uu ka dhacay guri wasiir ka tirsan Jubaland uu ka degan yahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Guriga uu qaraxaasi ka dhacay waxaa degan wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Jubaland Caydiid Sulaymaan Xaashi, waxaana lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisii.

Qaraxa ayaa ahaa mid guriga lagu sii diyaariyey, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Jubaland, waxaana ka badbaaday wasiir Caydiid oo loo qorsheeyey, sida aan xogta ku helnay.

Illaa seddax askari oo ka mid ahaa ilaalada wasiirka ayaa ku geeriyootay qaraxaas, waxayna dhaawacyo ka soo gaareen ugu yaraan laba kale, sida ay noo sheegeen xubnaha aan la hadalnay.

Guriga la qarxiyey ee wasiirku deganaa ayaa Kismaayo uga yaalla xaafadda Siinaay, gaar ahaan aagga Laba-suulle, waxaana haatan xaafadaas ka bilaawday baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

The post Qarax dhimasho leh oo caawa ka dhacay guriga wasiir ka tirsan maamulka Jubaland first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this