Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma madaxweynaha cusub ee la doortay ee maamulka HirShabeelle?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Baarlamanka Maamulka HirShabelle ayaa maanta Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) u doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulkaas, isaga oo helay codad aad u badan.

Cali Guudlaawe wuxuu noqday madaxweynahii saddexaad ee maamulka HirShabelle, kadib Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, wuxuuna horay u ahaa madaxweyne ku xigeen.

Haddaba waa kuma Cali Guudlaawe?

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) wuxuu ku dhashay dagmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe sanadkii 1974-kii.

Waxbarashada:

Waxbarashada aas-aasiga, sare iyo jaamacaddaba wuxuu ku qaatay magaalada Jowhar ee loogu doortay inuu noqdo madaxweynaha saddexaad ee Hir-Shabeelle.

Jaamacadda Somali International University ayuu ka qaatay darajadiisa koowaad.

Xilalka uu soo qabtay:

Intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2006 wuxuu lasoo shaqeeyay maamulkii Maxamed Dheere ee ka talinayay Jowhar, wuxuuna ahaa madaxii maaliyadda ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa loo magacaabay sanadkii 2007, wuxuuna hayay xilka ilaa 2009.

Sanadkii 2014 wuxuu noqday gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, halka sanadkii 2016 loo doortay madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabelle.

Barnaamijkiisa siyaasadeed

Cali, waxaa uu balanqday bulsho heshiis ah iyo inuu sameeyo dib u heshiisiin, isaga oo sheegay in uu u howlgeli doono xalinta tabashooyinka bulsho iyo midda siyaasadeed.

Horumarinta amniga ayuu balanqaaday inuu wax ka qaban doono, isaga oo xoojinta amniga, dib u habeynta booliiska

Garsoorka ayuu sheegay inuu wax badan ka qaban doono si muwaadin reer Hirshabellle ah aanu u taban wax xaq darro, lana marsiiyo garsoorka xulasho sax ah.

Dhan kale, waxaa uu balanqaaday la dagaalanka Al-shabaab, isaga oo xoog iyo maskaxba isugu geyn doona nabad galyada iyo isu furka deegaannada maamulka.

Waxaa sidoo kale balanqaaday shaqo abuur iyo kor u qaadista dhaqaalaha, dhismada waddooyinka, dhismaha garoomada , canshuurada, dhiirigelinta maalgelinta iyo warshadaha.

Guudlaawe waxaa uu sheegay inuu ka shaqeyn doonto dowlad wanaag iyo ladagaalanka musuqmaasuqa iyo horumarinta adeegyada bulshada, lagana helo waxbarasho ilaa heer jaamacadeed.

Arrimaha caafimaadka waxaa uu sheegay in isbitaallada waaweyn ee Hirshabelle uu u dhameystiri doono agab caafimaad iyo dhakhaatiir.

The post Waa kuma madaxweynaha cusub ee la doortay ee maamulka HirShabeelle? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this