Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Soomaalida Itoobiya Ma Ciidamo Ayay U diraysaa Dagaalka Lagu Qaaday Tigreega??

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay sheegayay in Maamulkiisu uu Ciidamo u dirayo dhinaca Gobolka Tigreega, si ay Ciidammada Federaalka ugala qayb-qaataan dagaalka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ay ciidamo ugu dirayaan dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia ee ka dhanka ah Maamulka Gobolka Tigreega.

“Anaga iyo dowladda dhexe ee Itoobiya waxaanu ku heshiinay in la ilaaliyo xuduudaha ballaadhan ee deegaanka Soomaalida, mana jirto baahi loo qabo in aan xilligaan qeyb ka ahaano dagaalka..” ayuu yidhi, Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu caddeeyay Mowqifkiisa ku saabsan dagaalka Kililka Tigreega “Mowqifkayagu waxaa weeye, in aanu boqolkiiba boqol taageersanahay dagaalka ay qaadday dowladda Itoobiya..”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this