Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo shaacisey Tirada ay ka dishay Ciidamada Tigrayga ee ka soo horjeeda+Khasaaraha ka dhashay dagaalka & Raxan Saraakiil sarsare oo shirqool lagu eedeeyay oo la xidhxidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahinno ka soo baxaya khasaaraha xooggan ee ka dhashay dagaalka Itoobiya

Maleeshiyo Tigray ah oo lagu qabtay bar isbaaro ah

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka dalkaasi ay dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF) xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegasha dowladda dhexe ee Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegayo boqollaal dhimasho ah oo labada dhinac ah.

Talaadadii madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay dwoladda Eritrea inay weerar ku soo qaaday gobolka Tigray.

Eedeyntaasi ayaa waxaa beeniyay dowladda Eritrea iyo militariga Itobiya.

Dhanka kale booliiska fedaraalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen in la xiray 17 sargaal oo ka tirsan militariga, islamrkana lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen isgaarsiintii u dhaxeysay saldhiga iyo xarunta ciidamada qaranka.

 

Xukuumadda Itoobiya ayaa dhanka kale ku gacan seyrtay baaqii ahaa in wadaxaajood la furo.

Redwan Hussien, oo ah afhayeenka dowladda Dhexe ayaa sheegay in wadahadalo la furo ay suuragal noqonayso oo kali ah “marka la burburiyo hubka culus ee gacanta ugu jira xoogagga daacadda u ah TPLF.

Waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay doonayaan inay soo badbaadiyaan shaqsiyaad gacanta ugu jira xoogagga Tigreeda, islamarkana gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii fuliyay weerarka.

Waxaa isa soo tarayay baaqyada ku aadan in dagaalka la joojiyo islamarkana wadaxaajood lagu soo afjarayo dhibaatada la bilaabo.

Dhanka kale saraakiisha dalka Sudan ayaa sheegaya in ugu yaraan 6000 oo ah qaxooti ka soo qaxay dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya ay soo gaareen xudduuda Sudan.

Xukuumadda Sudan ayaa isu diyaarinaysa qaabilaada boqolaal kun oo kale oo qaxootiga Itoobiya ah.

Xero qaxooti oo loogu talagalay dadkani ayaa la dhisay, islamarkana waxay hay’adaha gargaarka ka digayaan dhibato bina’aadanimo oo soo fool leh.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this