Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo loo doortay madaxweynaha cusub ee HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HiirShabelle ayaa goor dhow doortay madaxweynaha cusub ee maamulkaasi, kadib doorasho ka dhacday Jowhar.

Doorashadan oo ay ku tartamayeen illaa labo musharrax ayaa waxa ku guuleystay Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo helay  86 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo isna helay  13 cod oo kaliya.

Natiijada soo baxday ee doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii oogaa, waxaana xilkan loo saadaalinayey, Cali Guudlaawe oo haatan ku soo baxay, kaas oo horey u soo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka HirShabelle.

Sidoo kale waxaa goor dhow la guda geli doonaa doorashada madaxweyne ku xigeenka HirShabelle oo ay u taagan yihiin Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Yuusuf Dabageed oo horey u soo noqday guddoomiyihii G/ Hiiraan, kaas oo loo saadaalinayo xilkaasi.

Halkan kala soco wixii soo kordha.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this