Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Donald Trump oo wali diidan guusha doorashada Joe Biden

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa wali diidan in looga guuleystay doorashada dalka Mareykanka iyadoo Joe Biden uu ku guuleystay codadkii doorashada ee la tiriyay.

Trump wuxuu tuhun galiyay sida ay codadkii la tiriyay u noqon karaan kuwa jira, wuxuuna durba taageero ka helay hoggaanka sare ee xisbiga Jamhuuriga, waxeyna ku garab taagan yahiin dacwadda uu u gudbinayo maxkamadaha isagoo diidan guusha la saadaaliyay ee Joe Biden.

Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badanyahay ee Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy iyo Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell ayaa si wadajir ah ugu taageeray Trump diidmada jiritaanka codeynta, waxeyna qabaan inuu ku saxan yahay go’aanka uu ku diiday saxnimada codadkii la tiriyay.

Labadaan masuul waxey aaminsan yahiin in Donald Trump uu ku saxan yahay inuu dacwo ka furo natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.

Joe Biden wuxuu wax laga xishoodo ku tilmaamay in Donald Trump uu aqbali waayo natiijada kasoo baxday doorashada isla markaana uu qiran waayay inuu guuldareystay.

The post Madaxweyne Donald Trump oo wali diidan guusha doorashada Joe Biden first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this