Sign in to follow this  
Deeq A.

Tigreega oo garwaaqsaday in ilaalinta midnimada Itoobiya gef ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Mekelle (Faalloyinka PP) — Caasimadda Tigray, Mekelle, waxay sanooyin badan u diyaargaroobaysay dagaal hal dhinac kaga iman kara. Tigreegu marnaba tirada kuma darsan in Itoobiya dowladdeedu kaashan doonto dal cadaw ku ahaa Itoobiyaanka, ka go’ay dalka, ka dhigay Itoobiya dal aan bad lahayn.

Markii taliskii Dergiga xukunka laga riday 1991kii laba urur, Jabhadda Xoreynta Tigree (TPLF) iyo Jabhadda Dadka ee Xoreynta Eritreeya ( EPLF) oo keliya, ayaa go’aan ka gaaray jihada Itoobiya aadday. Amxaaradu urur ma lahayn, Oromada ururkeedii (ONLF) awood militari u dhiganta tan TPLF ama EPLF may lahayn.

Dagaalka sokeeye, uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ku tilmaamay hawlgal iyo maamul u samaynta Tigray, weli laguma kala bixin waayo TPLF hub faro badan iyo ciidammo tababbar dheer qaatay ayay leedahay. Waxa tiro yari ay TPLF ku wayso inay tayo ku hesho ayay muddo qorsheynaysay.

IMG-20201111-WA0001.jpg?resize=1000%2C12Meles Zenawi wuxuu dalka ku xukumayay awoodda TPLF hase ahaatee marnaba tirada muu ku darsan in dowladda Itoobiya u arki doonto Tigreega cadawga kowaad.

Go’aankii taliska sare ee TPLF talada ugu wareejiyay Abiy Ahmed 2018kii wuxuu ka dhashay cadaadis beesha caalamku saartay dowladdii Itoobiya oo ku guuldarraysatay u babacdhigista bannaanbaxayaashii Oromada iyo Amxaarada. Sida qowmiyad 6% ka ah Itoobiya ugu amarkutaaglaynaysay qowmiyadaha kale ayay wargeysyada Galbeedku qorayeen, iyagoo garanaya meelaha talisyada Afrika u nugul yihiin.

Labo talo ayaa TPLF seegtay. Tan kowaad, waxay dimuqraaddiyaynta Itoobiya u arkayeen mid halis ku ah taliskooda. Tiro ahaan Tigreegu waa qowmiyad laga tiro badan yahay. Meles Zenawi cududda TPLF buu ku tiirsanaa waayo ururka ayaa awoodda dalka 80% gacanta ku hayay. Itoobiya waa dal taariikhdiisu ku salaysan tahay gumeysiga qowmiyadaha waana sababta Amxaaradu u noqotay qowmiyadda meelo badan oo Itoobiya ka mid ah loogu xasuuqay. Tan labaad, Tigreegu waxay hubka ka ilaaliyeen qowmiyadaha lahaa ururro hubaysan sida Oromada, oo 1991kii hubka laga dhigay si TPLF u noqoto ciidanka qaranka Itoobiya. In Oromadu maanta taagdaran tahay oo aysan ka falcelin karin gaboodfallada dowladda Itoobiya iyo in Tigreegu weli sii dagaallamayo waa natiijada go’aammo siyaasadeed oo goor hore ay TPLF qaadatay.

Itoobiya waa dal dunida ka yaabiyay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo ku sii adkaysanaya dagaalka sokeeye awgiis.

Qorshihii ahaa in TPLF ka qaraabato xasiloonidarrada Soomaaliya, iyagoo ka faa’iideysanaya xilkasnimodarrada xagjirka Soomaaliya, waxaa beddelay qorshaha Abiy Axmed ku xukumi doono 100 milyan oo Itoobiyaan ah oo lagu ababiyay amarkutaagleyn iyo jujuub siyaasadeed.

Tigreegu waxay isa saareen mas’uuliyad ka weyn ku aaddan isu haynta Itoobiya oo loo marayo kelitalisnimo dadban. Waa tusaale ku saabsan sida awoodda aan islaxisaabtan ku salaysnayni halis ugu noqoto kuwa awooddaas ku tiirsan. Waa darsiga Tigreegu ka qaatay taliskoodii 27 sano Itoobiya sandulle ku xukumayay.

© Puntland Post, 2020

The post Tigreega oo garwaaqsaday in ilaalinta midnimada Itoobiya gef ahayd appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this