Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo hurinta dagaal beeleedyada ku eedeeysay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug oo la hadlayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada haatan ka soo cusboonaaday gobollada Galgaduud & Mudug.

Falagle ayaa sheegay in gacmo kale ay hurinayaan dagaal beeleedyada ka taagan deegaanada Galmudug, isaga oo farta ku goday Xarakada Al-Shabaab.

Ujeedka laga leeyahay ayuu sheegay inay tahay sidii loo dhabar jabin lahaa howl-galada ciidamada huwanta ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale wuxuu ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cid-kasta oo ku howlan hurinta colaadahaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay markale dagaal beeleed culus uu dib uga qarxay deegaano ku yaalla bariga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this