Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada HirShabelle oo maanta ka dhaceysa magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Jowhar ayaa sheegaya in saaka qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa laga dareemayo magaaladaasi.

Doorashada oo ka dhaceysa xarunta baarlamaanka ayaa waxaa la filayaa in goor dhow ay ka bilaabato halkaasi, waxaana codeynaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka HirShalle.

Illaa labo musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynaha, kuwaas oo kala ah Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan.

Sidoo kale waxaa xilka madaxweyne ku xigeenka ku loolamaya Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Yuusuf Dabageed oo horey u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this