Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ku cibaadeysanayey Masjid ku yaalla Guriceel oo la rasaaseeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa rasaas ay saaka dabley hubeysan ku fureen dad ku cibaadeysanayey Masjid ku yaalla magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ragga fuliyey weerarkaasi ay ku hubeysnaayeen qoryaha AK47, islamarkaana ay tacshiirad huwiyeen dadkaasi oo ku suganaa Masjidka weyn ee Beder.

Majiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkasi, marka laga reebo in rasaastu ay saameysay darbiga Masjidka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsatay dhacdada kadib.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Masjidkan la weeraray uu ka mid ahaa Masaajidyadii ku xirmay dagaalladii Guriceel ku dhex-marey Ahlu Sunna iyo Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada ammaanka aya ahaatan howl-gallo dheeraad ah ka wada halkaasi, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this