Deeq A. Posted November 11, 2020 Hay’adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa wado howl-galo lagu dagaalamayo faafitaanka Ayaxa oo halis weyn gelin kara dalagyadda beeraha. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska cunnada iyo beeraha QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nuucyo ka mid ah Ayaxa uu ku sii kordhayo bartamaha Soomaaliya. FAO ayaa xustay in horumaro laga sameeyay deegaanada uu ka billowday cayayaankaasi, kadib dadaallo iyo weliba howl-gallo xoogan oo la sameeyay si looga hortago waxyeelada uu u geysan karo “Dhulka iyo hawada ayey howl-gallo ka dhan ah Ayaxa ka wadaan hay’adda Fao iyo wasaarada beeraha ee dowladda Soomaaliya, iyada oo kooxo ka socda labada dhinaca ay wadaan shaqooyin aan kala go’ laheyn, si loo koontaroolo weerarada Ayaxa,” sidaasi ayaa lagu sheegay warka soo baxay hay’adda FAO. Qaramada Midoobay ayaa dalalka deeqaha bixiya ugu mahad celisay taageero maaliyadeed oo ay ku bixiyeen qorshaha xakameynta cayayaanka Ayaxa,oo laga cabsi qabo inuu dhibaato weyn u geysto bariga Afrika Hay’adda cunnada iyo beeraha ee QM ayaa dhammaadkii bishii October soo saartay digniin la xiriirta weeraro Ayax raxan raxan ah oo ku wajahan koofurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites