Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya & Mareykanka oo ka wada-hadlay taageerada ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareynkanku Soomaaliya ku siiyo la dagaalanka xagjirka iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this