Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Japan ee ka howl-gala biyaha Somalia oo muddo kordhin hor leh loo sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Japan ayaa muddo hal sano ku kordhiyey howl-galka ciidamada dalkaasi ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Japan ee Howl-galka la dagaalanka burcad-badeeda ayaa loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Soomaaliya, si u sii wadaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Sidoo kale golaha wasiirada Japan ayaa ku boorriyey ciidamada Badda inay sii laba jibaaraan howl-galladooda, sida ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee NHK.

Ujeedkan howl-galkan ayaa ah sidii loo ilaalin lahaa maraakiibta isticmaasha biyaha caalamka ee aan heysan ilaalada, kuwaas oo halis u gala in ay gacanta u galaan burcad-badeeda.

Ciidamada Badda ee dowladda Japan oo isticmaalaya maraakiib iyo diyaarado dagaal ayaa howl-galkan soo bilaabay tan iyo sanadkii 2009-kii.

Si kastaba weerarada kooxaha burcadb-badeeda ayaa sanadihii u dambeeyey aad u yaraaday, inkasto weli ay cabsi ka taagan tahay marinka biyaha Soomaaliya.

The post Ciidamada Japan ee ka howl-gala biyaha Somalia oo muddo kordhin hor leh loo sameeyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this