Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah & sarkaakiil oo lagu qabtay GAALKACYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka u tababaran ee maamulka Puntland oo howl-gal qorsheysan ka fuliyey waqooyiga Gaalkacyo ayaa qabtay shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah, taas oo dilal iyo qaraxyo ka fulin jirtay magaaladasi.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 ruux oo ay ku jiraan labo sarkaal oo sar sare, sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee Puntland.

Ragga la soo qabtay oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah ayaa waxaa lagu eedeeyey inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dilalka iyo weerarka gobolka Mudug.

Sidoo kale qaar ka mid ah xubnaha la soo qabtay oo la wareystay ayaa qirtay in howl-galkan ay wadeen tan iyo 2018-kii, islamarkaana ay fuliyeen qaraxyo iyo dilal intaba.

Puntland ayaa saraakiil u hadashay waxa ay sheegeen inay dib ka shaacin doonaan  magacyada xubnaha la qabtay, gaar ahaan marka la soo gaba-gabeeyo baaritaanka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda, iyaga oo xusay inay heleen macluumaadka iyo xogta ku aadan ragga la soo qabtay.

Gaalkacyo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay weerarada iyo qaraxyada ka fuliyaan kooxaha Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano hoostaga maamulka Puntland.

The post Shabakad isku xiran oo Al-Shabaab ah & sarkaakiil oo lagu qabtay GAALKACYO first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this