Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka socota DF Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdigan saraakiisha ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare), ayaa gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ururka 5aad ee Kumaandooska Danab oo ugu horeeyo taliyaha Ururka 5naad Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare)  ayaa bogoodiyay shaqada adag ee Ururka 5aad  ka haayo deegaanada  Jubbland.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago Saldhigyada Ciidamada Danab ee deegaanada gobolka Jubbada Hoose si loo dardar geliyo howlgallada ay wadaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this