Sign in to follow this  
Deeq A.

TRUMP Oo Xilka Ka Qaaday Wasiirkii Gaashaandhiga Kadib Markii Uu Diiday Qorshihiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha wakhtiga ka dhammaaday ee Maraykanka Donald Trump ayaa goordhaweyd bartiisa twitter ku shaaciyey inuu xilka ka xayuubiyey Xoghayihii Gaashaandhiga Mark Esper.

Trump oo weli ka cadheysan guuldaradii Doorashada ayaa la sheegay inuu miciyaha u lisanayo inuu xilka ka qaado qaar kale oo kamid ah Xukuumadiisa.

I am pleased to announce that Christopher C. Miller, the highly respected Director of the National Counterterrorism Center (unanimously confirmed by the Senate), will be Acting Secretary of Defense, effective immediately..

— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) November 9, 2020

Mark Esper ayaa in dhawaale la hadal hayey inuu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Trump, kadib markii Wasiirka Gaashaandhiga uu bishii May diiday in ciidammada Millatariga uu Trump u adeegsado cabudhinta shacabka waday banaanbaxyadii ka socday magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

Maaha markii ugu horreysay oo uu Trump bartiisa twitter casilaada usii mariyo mas’uuliyiinta uu xilka ka qaado, waxaana la isweydiinayaa cidda ku xigi doonta Wasiirka Gaashaandhiga.

Wuxuu Trump xilkan u magacaabay Christopher Miller oo hayey xilka Agaasimaha la dagaalanka argagaxisada oo si kumeel gaadh ah usii heyn doona Gaashaandhiga.

Go’aanka Trump ayaa la sheegay inuu kadis ku noqday Ciidamada iyo Saraakiisha sare ee millatariga Maraykanka.

Donald Trump ayaa sidoo kale dhawaan sheegay inuu doonayo in dhammaan ciidammada Maraykanka ee dibadda ku maqan lagu soo celiyo dalka Maraykanka kahor intaan la gaadhin dhammaadka bisha December.

Trump ayaa la filayey inuu qaato go’aano qar iska xoor ah labada bil ee xilka uga hadhay, arrintan oo caqabad ku noqon doonta hawlaha xil ku wareejinta maamulka cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this