Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Xiisad Ganacsi oo ka Aloosan Buhoodle+Cidahaya ka dhex oogan tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad Ganacsi oo ka Aloosan Buhoodle

dhar.jpg

Magaalada Buuhoodle  waxaa ka aloosan muran u dhexeeya Ganacsatada waaweyn ee u dhashay Degaanka iyo Ganacsatada  yar yar oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo Buuhoodle looga yaqaan RRA.

Ganacsatada Reer Buuhoodle, ayaa doonaya in magaalada laga saaro Ganacsatada yar yar oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, islamarkaana dib loogu celiyo Gobolladii ay ka yimaadeen, kadib markii la xallin waayay muran u dhexeeya labada dhinac.

Khilaafka labada dhinac ayaa ku salaysan qiimaha la siiyo badeecadaha kala duwan iyo dharka lagu iibiyo gudaha Buuhoodle, taas oo ay qiima aad u jaban ku iibiyaan Ganacsatada yar yar oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, halka Ganacsatada Degaanku ay ku iibiyaan qiima sare.

 dharka.jpg

Ganacsatada u dhashay Degaanka, ayaa sheegaya in badeecooyinkoodii laga iibsan waayay, oo ay ku khasaareen, kadib markii loo leexday Ganacsatada yar yar oo qiima jaban wax ku iibiya,  sidaasi darteedna ay doonayaan in la joojiyo qiimaha jaban ee wax lagu iibinayo.

Balse, Ganacsatada yar yar ayaa dhankooda ku gacan-saydhay codsigaa la xidhiidha inay joojiyaan qiimaha jaban ee ay wax ku iibiyaan, waxaana ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin qiimaha ay doonaan in ay wax ku iibiyaan.

Muranka labada dhinac ayaa sii xoogaysanaya, waxaana fashil ku dhammaaday dhex-dhexaadin ay wadeen Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada oo doonayay in arrintaas xal rasmiya oo kama danbeysa laga gaadho.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this