Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay Doorashada madaxtinimada Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Diiwaan-gelinta musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle oo soo bilaabatay shalay ayaa maanta ku eg sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada maamulkaas.

Musharixiin badan ayaa is diiwaan geliyay, halka kuwa dhimana ay maanta is diiwaan gelin doonaan. Musharixiinta qaarkood ayaa horey u shaaciyay in ay u tartamayaan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Xubnaha ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

10 bishan oo Talaadada Berri ah ku beegan ayaa la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ay khudbad ka horjeediyaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 2aad ee maamulkaasi.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa dhici doonta maalin Arbaco oo ku beegan 11 bisha November.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay Doorashada madaxtinimada Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this