Deeq A. Posted November 9, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen qeybo gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah uu uga dhacay deegaanka Carabow oo 50 KM u jira Bu’aali, iyada oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa magaca sarkaalka la khaarijiyey ku sheegay Xasan Sufiyaan. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daraya inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites