Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan oo doorashadeedii, kadib cambaareyn u jeedisay maamulka Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo markale dib loogu doortay xubinimada Congress-ka Mareykanka ayaa doorashadeeda kadib, cambaareyn xoogan u jeedisay maamulka Israel oo maalmihii dambe burburin ka waday dhulka Falastiin.

Ilhaan oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay inay Israel dhibaato ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah, islamarkaana ay burburisay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale waxa ay ku eedeysay Israel inay xad-gudub weyn oo dhambi ah ka geysaneyso daanta Galbeed.

Waxaa sidoo kale intaasi raacisay, hadii Mareykanka uu ka aamusu tacadyadaasi inuu qeyb ka noqonayo dambiyada caalamiga ah ee la galayo

“Waxa socda waa xadgudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraal soo saartay.

Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa marar badan qalabka warbaahinta ka weerartay maamulka Israel oo siyaasad ahaan isku hayaan.

The post Ilhaan oo doorashadeedii, kadib cambaareyn u jeedisay maamulka Israel first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this