Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxay muwadin Soomaaliyeed ku dileen dalkaasi, kaasi oo ganacsi ahaan u tagay halkaasi , dilka ayaana dhacay habeenimadii xalay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale ayaa  waxaa ay ku dileen xaafada Elsis oo Ka tirsan magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika, islamarkiibana burcaddii goobta ayay ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, ciidanka  ayaana ku guuldareystay in ay qabtaan  burcaddiii dilka geystay.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this