Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa maxay ujeedka wafdiga DF ee gaaray JOWHAR?

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maanta magaalada Jowhar gaaray wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu wado inuu qeyb ka noqdo kor-joogteynta doorashooyinka maamulka HirShabeelle oo muddooyinkii dambe lagu muransanaa.

Wafdiga ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Khadra Maxamed Diiriye, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Khadra Diiriye ayaa lagu wadaa inay kulamo la qaadato saacadaha soo socda madaxda sarre ee maamulka HirShabeelle iyo qaar kamid ah xildhibaanada uu dhawaan yeeshay maamulkaasi.

Wafdiga Khadra ayaa hordhac u noqonaya wafdiga dhanka dowladda uga qeyb-galeysa kor-joogteynta doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo lagu wado inay magaalada Jowhar ka dhacdo maalinta Arbacada ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Khadra Diiriye oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Jowhar ay halkaasi ka bilaabi doonto olole ku aadan doorashadeeda baarlamaanka.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ay tagaan wufuud badan oo ka kala socda dowladda federaalka, maamulada dalka, madaxda mucaaridka iyo siyaasiyiin hore, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona doorashada madaxweynaha maamulka HirShabeelle.

The post Waa maxay ujeedka wafdiga DF ee gaaray JOWHAR? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this