Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 9 malyan oo qarka u saaran in ay ku bara-kacaan dagaalka Gobolka Tigray ee Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia, iyadoo ka digtay in ku dhawaaqista dowladda ee xaaladda degdegga ah ay hor istaageyso cuntada iyo gargaarka kale.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sii riixaya olole militari oo uu ku dhawaaqay Arbacadii, in kasta oo caalamku ku baaqay in wadahadal lala yeesho Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) si looga fogaado dagaal sokeeye. Qoomiyada Tigreegu waxa ay xukumayeen siyaasadda Ethiopia muddo tobaneeyo sano ah ilaa uu Abiy xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii.

Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga Tigreega ayaa ka dhacay 8 goobood oo ka tirsan gobolka, sida lagu sheegay qoraal Sabtidii ka soo baxay xafiiska isku-dubaridka howlaha bani’aadanimada QM ee OCHA.

Warbixinta OCHA ayaa lagu sheegay in ilaa 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka cunno ee la siiyo, halka 1 milyan oo kale ay helaan qaabab kale oo taageero ah, kuwaasi oo dhamaantood la carqaladeeyay.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 9 malyan oo qarka u saaran in ay ku bara-kacaan dagaalka Gobolka Tigray ee Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this