Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Dufle oo faah faahin ka bixiyey qaraxii lagula eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Senatorada golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey qarax nooca miinada oo xalay lagula eegtay inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Dufle ayaa sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, balse ay waxyeelo ka soo gaartay labo ka mid ah askartii ilaalada u aheyd ee la socotay.

Sidoo kale dhaqtarka ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee sida gaarka uga xumaaday falkaasi oo ahaa isku day dil.

Halkan hoose aqriso war qoraal ah oo uu soo saaray Senator-ka.

Caawa abaarihii 7:00 fiidnimo oo wax yar dhiman  ayaa anigoo la socday gaarigayga waxaa uu qarax nagu qabsaday wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan inta u dhexeysa Hotel Dayax iyo Sayidka.

ILAAHAY mahadiis waan ka badbaaday, waana bad qabaa hadda, balse nasiib daro waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidankii ila socday, kuwaasoo lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu caafimaad deg deg siiyo.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii igala soo xiriiray gudaha iyo dibeda ee ka xumaaday dhibaatada caawa na gaartay, isla markaana muujiyey sida ay uga xun yihiin, waxay aheyd Qadar ALLE, Waxaana ILAAHAY ka baryeynaa inuu dhibaatada ka dulqaado shacabkeena Soomaaliyeed Aamiin

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this