Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in qarax caawa uu ka dhacay agagaarka maqaayad kasoo horjeedda hotelka Dayax oo u dhow Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay miino lasoo geliyey bac madow oo la dhigay dibedda maqaayadda, taasi oo qaraxday waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedka laga lahaa qaraxa, iyo haddii ay jirto cid loola dan lahaa intaba. Naga filo faah-faahin ku saabsan qaraxa dhowaan Insha Allah.

The post Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this