Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump wiilashiisa oo Jamhuuriga ku cambaareeyey in ay aabahood hagradeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Trump wiilashiisa oo Jamhuuriga ku cambaareeyey in ay aabahood hagradeen

Trump Jnr
Trump Jnr

Labada wiil ee Trump dhalay ayaa ku dhaleeceeyey hogaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga in aanay si buuxda doorashada ugu taageerin aabahood.

Labada wiil ka weyn oo la yidhaa Trump Jnr ayaa sheegay in xisbiga Jamhuurigu aanu mawqif fiican ka qaadan sidii uu madaxweynaha Maraykanku mar labaad ugu guulaysan lahaa madaxtinimada, halka walaalkii Eric na yidhi ” dadka noo codeeyey ilooobi maayaan sidaad noola dhaqanteen adhiyahow”.

Arintaas ayaa muujinaysa sida ay u kala fogaadeen Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ah ee uu doorashada ugu tartamayey.

Waloow aan doorashadii la soo gabogabayn, ayaa hadana waxa muuqata in musharaxa Dimuqraadiga, Joe Biden, qarka u saaran yahay inuu tartanka ku guulaysto.

Trump ayaa wacad ku maray inuu garsoorka u gudbin doono dacwad uu ku doonayo in codadka la dhiibtay dib loo tiriyo, waxaanu sheegay in ay dhaceen “falal musuqmaasuq ahi” waana eed aanu wuxuu ku caddaynayo soo bandhigin.

Senator-ka magaca leh ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Mit Romney, iyo badhsaaabka gobolka Marryland oo isna ka tirsan isla xisbigaas ayaa labuba ka digay in la carqaladeeyo hanaanka dimuqraadiga ah ee dalka.

Laakiin Trump Jnr oo la rumaysan yahay inuu leeyahay han siyaaseed ayaa qarsan kari waayey sida uu ugu cadhaysan yahay xubnaha xisbiga ee hungurigu ka hayo in ay u tartamaan doorashada 2024.

Waxaanu qoraal uu ku baahiyey boggiisa Twitter-ka ku yidhi “aamusnaanta xubnahaa hunguraynaya in ay u tartamaan doorashooyinka sannadka 2024 ayaa u qaadan waa nagu noqotay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “Jamhuuriyiintu mawqifkoodu muddo tobanaan sano ah ba mid liita ayuu ahaa, waana sababta ay ugu suurto gashay siyaasiyiinta garabka bidix in ay helaan waxa maanta inoo muuqdaa.”

Walaalkii Eric ayaa isaguna waxa uu Twitter-ka bogga uu ku leeyahay ku qoray “aaway Jamhuuriyiintii? Maxay dagaalka lagaga hortagayo musuqmaasuqan uga qayb geli laayihiin? Dadka noo codeeyey [waxaad fasheen] iloobi maayaan adhi yahow”.

Dhanka kale labada wiil ee Trump dhalay waxay aad u amaaneen xubnaha Jamhuuriyiinta ah ee aabahood amaanay ee taageeray.

Afartii sannadood ee uu madaxweynaha ahaa, waxa u suurto gashay Trump inuu xisbiga Jamhuuriga ku dirqiyo in ay siyaasadihiisa taageeraan.

Laakiin loolanka ka dhexeeya Trump iyo hogaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa dhaliyey su’aalo badan oo la iska waydiinayo sida uu noqon doono mawqifka xisbigu wixii madaxtinimada Trump ka dambeeya hadii laga guulaysto ama hadii uu guulaysto wixii ka dambeeya afarta sano ee la doorto.

Biden muxuu yidhi?

Joe Biden ayaa mar kale sheegay in uu ku kalsoon yahay guusha maaddaama uu kusii dhawaanayo inuu garaaco Donald Trump kadib doorashadii madaxtinnimada ee Talaadadii ka dhacday Mareykanka.

Tartamahan xisbiga Dimuqraadiga wuxuu hadda heystaa 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu u aadp Aqalka Cad iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka.

Joe Biden
Joe Biden

Mr Biden ayaa sidoo kale hogaaminaya tirinta codadka ee goobaha muhiimka u ahaa doorashada ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona.

Guusha Biden waxay u muuqan doontaa Mr Trump inuu xafiiska ka tago Janaayo kaddib afar sano oo uu xilkaasi hayey.

“Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” Mr Biden ayaa u sheegay taageerayaashiisa Wilmington, Delaware, habeenkii jimcaha, isagoo ku dhawaaqaya in kalsoonidoodu sii kordheyso, ayna codbixiyayaashu ay muujinayaan inuu hogaaminayo isagu.

Wuxuu sheegay inuu ku socdo waddadii uu ku guuleysan lahaa in ka badan 300 oo Ergada codbixinta ah wuxuuna tilmaamay in dad badan ay u codeeyeen – in ka badan 74 milyan oo qof – kuwaas oo ka badan marka loo eego qof kasta oo u tartamay madaxtinimada Mareykanka, taariikh ahaan.

Dimuqraadigan – oo isu tixgeliya inuu yahay musharraxa midnimada ka dib ololihii qadhaadhaa ee uu soo halgamay – ayaa sheegay in la joogo xilligii “la saari lahaa fkala duwanaanshaha Fekerka siyaasaddayada” oo “la noqon lahaa sokeeye midba midka kale xigsado”

“Waxaan noqon karnaa kuwa iska soo horjeeda laakiin ma nihin cadaw, waxaan nahay Mareykan,” ayuu yiri Mr Biden, oo aan soo hadal qaadin ninka la tartamaya ee Jamhuuriga, Mr Trump.

Weriyaha BBC Barbara Plett-Usher, oo ku sugan Wilmington, ayaa sheegtay in ay ahaayeen hadalo rajo leh oo ka dhigan xisbiga Dimuqraadiga in haysto waddadii guusha.

Mr Biden – oo laba jeer oo hore u tartamay Aqalka Cad, sannadihii 1988 iyo 2008, guul la’aan – wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid la caleemo saaro isagoo jira 78 sano.

Haddii Dimuqraadigan lagu dhawaaqo inuu guuleystey dhammaadka labada maalmood ee soo addan, kooxdiisa ayaa la filayaa inay bilawdo hawlihii kala-guurka maalinka Isniinta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this