Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qirtay inuu dad shacab ah ku dilay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Howl-galka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee la yiraahdo Africom ayaa qirtay in dad shacab ah ay ku dileen duqeymo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Waa warbixintii saddexaad ee Mareykanka ay qiimeyn ku sameeyaan illaa iyo bishii Abril ee sannadkan 2020-ka.

Howl-galka Mareykanka ee Africom ayaa eedeyn xoogan kala kulmay duqeymaha ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah ah Soomaaliya oo xilliyada qaar ay waxyeelo ka soo gaarto dad shacab ah.

Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ku dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marar badan howl -gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyey Soomaaliya, si ay u wiiqaan awooda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa inta badan xilliyada ay duqeymaha ka geystaan Soomaaliya soo raacin jiray qoraal ay kaga hadlayaan qaabka ay u sameyaan duqeymaha iyo kasaaraha ay geystaan.

Howl -galka africom ayaa waxaa u yaalla lix kiis oo lagu soo eedeeyay oo dhammaantood ah khasaare ay gaarsiin dad shacab ah, taas oo u baahan in ay baaritaan ku sameeyaan.

Dhacdooyinka hor yaalla Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah mid 17 bishii Febraayo ee sannadkan ay ku dhaawaceen labo ruux oo rayid ah, kadib duqeymo ay ka fuliyeen koofurta Soomaaliya.

Tan iyo markii uu talada la wareegay madaxweyne Donald trum Mareykanka uu kordhiyey howl-gallada iyo weerada ka dhanka ah dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this