Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka HirShabelle oo ansixiyay guddiga doorashada madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar waxa ay ku ansixiyeen guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiim luqmaan Xaaji Muxumed,iyadoo la horgeeyay guddiga doorashada oo ay guddoomiye u tahay mid ka mid ah xildhibaannada dumarka ah ee ka mid ah baarlamaanka2aad ee Hirshabelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan Jadwalka doorashada Madaxwaynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa waxaa guddoomiye u ah  Xildhibaan Caasho Khaliif Maxamed halka uu gddoomiye ku xigeen ka yahay Xildhibaan Abuukar Xasan Cali  waxaana xoghayn u ah xildhibaan Cabdifataax Cabdqaadir Caddow.

2c7b4ff4-dcd1-45fd-93c9-39c90ee4d032 47657842-621b-4686-94b5-73056d75edf0 fb177359-465d-4f7e-9652-b6d98cdf50e8

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this